Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku tagaya dalka Ciraaq si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

|

Muqdisho (KAAB TV) –  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana uu ku wajahan yahay dalka Ciraaq

War kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Maxamed Shiico Al-Sudaani.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Baqdaad ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda ugu sareysa dalka oo uu kala hadlo xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, iskaashiga iyo arrimo kale sida ay xaqiijiyeen diblomaasiyiin ku dhow dhow. safarka.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadli doona iskaashiga dhow ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo danaha guud ee labada dal.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News