SO | EN

SO | EN

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada kismayo.

|

Kismaayo (kaab tv)Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,  Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxwene ku-xigeennada, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo bulshada.

Booqashada ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta xaaladda bani’aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannada maamulka Jubbaland.

Waxaa kale oo uu xooga saari doonaa sidii gurmad deg-deg ah loo gaarsiin lahaa qoysaska barakacay iyo kuwa xaaladaha adag ku wajahaya halkaasi.

Sidoo kale waxaa qorshaha labaad ee safarka ra’iisul wasaaraha uu yahay dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Jubbaland.

Xamza ayaa sidoo kale inta uu joogo Kismaayo sameyn doono xarig jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland.

Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyey Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay.

Xamza ayaa todobaadkii hore booqday gobolka Gedo, isaga oo tegay degmada Doolow oo ay ku dhufteen fatahaado xoogan, wuxuuna booqday dadka shacabka ah ee halkaas ku nool.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News