MUQDISHO (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Save The Children Marwo Inger Ashing oo uu weheliyo Madaxa Hay’adda Save the Children ee Soomaaliya Maxamuud Maxamed Xasan.
Xamza Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa kala hadlay mas’uuliyiintan sidii loo xoojin lahaa ilaalinta xaquuqda ubadka Soomaaliyeed, isla markaana loo abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo fursado faa’iido u leh da’yarta Soomaaliyeed.
Kulanka kadib ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda ugu sareysa Hay’adda Save The Children waxa ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah oo qeyb ka ah dardargelinta daryeelka carruurta Soomaaliyeed.
2015, Soomaaliya waxay saxiixday heshiiska Qaramada Midoobay ee ilaalinta xuquuqda carruurta.
Axdigii ay Soomaaliya saxiixday xilligaasi ayaa lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in laga hortago wax kasta oo ku xad-gudbi kara xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.
Caqabadaha soo wajaha ubadka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah Gaajo, Cuduro iyo tacadiyo ay qaarkood kala kulmaan eheladooda, waana tan ugu daran ee keentay in dunidu ay sameyso ficil iyo heshiis gaar ah oo ku saabsan xuquuqda carruurta.
Sidoo kale waxaa la sheegay in carruurta Soomaaliyeed lagu askareeyo da’da yar, iyagoo aan qaangaar ahayn ama qaangaar ah marka ay xaq u leeyihiin inay waxbarasho helaan, waxaa lagu marin habaabiyaa gaar ahaan kooxda Al-shabaab oo carruurta ku xad gudubta. xuquuqda.
Xuquuqda carruurtu waa heshiiska xuquuqul insaanka ee ugu ballaaran ee la ansixiyo adduunka oo dhan, wuxuuna bixiyaa aasaaska xaqiijinta iyo ilaalinta dhammaan xuquuqaha dhammaan carruurta. Waxa kale oo ay dhidibbada u taagaysaa dhisidda awoodda dawladda si ay u gudato kaalinteeda ku aaddan ilaalinta iyo xaqiijinta xuquuqda carruurta.
Dalalka saxiixay heshiiska Qaramada Midoobay ee ilaalinta xuquuqda carruurta oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa isha lagu hayaa dhaqan gelinta heshiiskaas, waxaana mararka qaar dhacda in la helo cadeymo muujinaya in dalalka qaar aysan dhaqan gelin heshiiskaas.