Muqdisho (KAAB TV) -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa u ambabaxay dalka Shiinaha, si uu uga qeyb galo Bandhigga 7-aad ee Shiinaha iyo Carabta, oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Yinchuan.
Madashan heerka sare ah ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, tignoolajiyada, iyo tamarta ka dhexeeya Shiinaha iyo dunida Carabta.
Ka-qaybgalka Soomaaliya ayaa loo arkaa tallaabo istiraatijiyad ah oo lagu xoojinayo xiriirkeeda dhaqaale iyo raadinta iskaashiga horumarineed ee ay la leedahay Beijing iyo dowladaha Carabta.
Sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Ra’iisul Wasaare Barre ayaa la filayaa in uu kulamo laba geesood ah la qaato madaxda sare ee Shiinaha iyo ganacsatada caalamiga ah ee ka qeyb galaya munaasabadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa bandhiggan u aragta fursad lagu soo jiidan karo maal-gashi shisheeye iyo horumarinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha.
Bandhiga Shiinaha iyo Carabta waxa uu noqday madal muhiim u ah diblumaasiyadda dhaqaalaha, iyadoo dalalka sida Soomaaliya oo kale ah u helay albaab ay ka galaan suuqyo ballaaran oo heer gobol iyo heer caalami ah.

