ROMA, Talyaaniga (KAAB TV) – Ra’iisul wasaaraha dalka Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa sheegtay in la geliyay baaritaan dhanka garsoorka ah kadib markii ay dowladeeda sii deysay sarkaal ka tirsan booliska Liibya oo ay doon dooneysay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee ICC.
Sidoo kale, Osama Elmasry Njeem, oo loo yaqaan Osama Almasri Njeem, ayaa la sii daayay todobaadkii hore.
Waxaa lagu qaaday diyaarad ay leedahay dowladda Talyaanigu maalmo uun kadib markii laga siidaayey xabsiga magaalada Turin ee woqooyiga dalka Talyaaniga iyadoo loo haysto waaran lagu soo xirayo ICC oo lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, oo ay ku jiraan dil, jirdil iyo kufsi.
ICC ayaa dalbatay sharaxaad, iyadoo sheegtay inaan lagala tashan go’aanka lagu fasaxay Njeem.
Farriin muuqaal ah oo la soo galiyay baraha bulshada Talaadadii, Meloni waxay ku sheegtay in uu baaritaan ku sameeyay xeer ilaaliyaha guud ee Rome, Francesco Lo Voi, kadib markii lagu eedeeyay in ay gacan ka geysatay dambi iyo ku takrifalka hantida dadweynaha.
Meloni waxay iska riixday eedeymaha, iyadoo sheegtay in “aan lagu cabsi gelin doonin baaritaankan”.
Waxay sheegtay in dacwad oogayaasha ay sidoo kale baaris ku sameeyeen wasiirka cadaaladda Carlo Nordio, wasiirka arrimaha gudaha Matteo Piantedosi iyo golaha wasiirada iyo sirdoonka.
Sikastaba, Talyaanigu waxa uu Njeem ku xidhay magaalada Turin horraantii bishan, laakiin dawladda ayaa si lama filaan ah u sii daysay laba maalmood ka dib. Waxaa lagu qaaday diyaarad rasmi ah oo ay leedahay dowladda, waxaana la geeyey Tripoli.