MOGADISHU (KAAB TV) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhulka Dowladda ay bixisay in loo maray hannaan sharci isaga oo tilmaamay in dowladihii hore ee dalka soo maray ay iibin jireen sida uu hadalka u dhigay.
Xamsa Cabdi ayaa intaas ku daray in dhul qof sharci ah leeyahay aan lagu xadgudbi Karin, haddii ay dhacdana in lagu xadgudbay uu ka dacwoon karo Maxkamadaha awoodda u leh arrintaas si loola xisaabtamo dadka dhibaatooyinkaas gaystay.
Dadka cabashada qaba ayuu sheegay in haddii sheegashoodu sax tahay in la geli doonno lagula xisaabtami doonno dadkaas oo sharci ahaan noqonaya kuwa xadgudbay loona baahan yahay in la xaqiijiyo jiritaanka eedaha dhankaas ka imaanaya.
Ma la waydiiyay sababta Warbaahinta Dowladda looga baahin waayay haddii ay Dowladdu dhulkeeda iibinayso isaga oo ku jawaabay “Dhulka oo dhan Dowladda ayaa dadka Soomaaliyeed siin jirtay ee ma xayaysiin jirtay? Qof Soomaaliyeed dhulkiisa oo sharci ah laguma xadgudbi karo, haddii lagu xadgudbana meelo uu ka dacwoodo ayaa jira”.
Mar sidaas oo kale la waydiiyay dadka cabanaya ee ku doodaya in dhulkooda laga qaatay waxa uu ku warceliyay Ra’iisul Wasaare Xamsa “Dadkii laga qaaday aaway? Ma hurbaa? Maxkamadaha ma u tageen? Haddii ay Maxkamadaha gaysteen waala xalinaa”.

