SO | EN

SO | EN

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo Muqdisho kasoo degay iyo wararkii ugu dambeeyay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka ugu tegay Abiy iyo wafdigiisa, halkaas oo uu sidoo kale salaan sharaf uga qaatay cutubyo gaar ah oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa.

Dhanka kale, ujeedka safarka Abiy ayaa larumeysanyahay in uu yahay dhammeystirka heshiiska labada dal iyo sidii bog cusub loogu furi lahaa xiriiirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa.

Ra’iisul wasaaraha Abiy ayaa lafilayaa in wada-hadallo uu xarunta madaxtooyada kula yeelan doono madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka wada-hadli doonaan arrimaha dhex yaalla labada dal oo ay ugu muhiimsan tahay marin-biyoodka ay dooneyso Itoobiya.

Sikastaba, imaatinka Abiy ee Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, iyada oo dhowaan laba jeer uu madaxweyne Xasan Sheekh uu tegay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay labada mas’uul ku yeesheen wada-hadallo lagu dhameystiray heshiiskii Ankara.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News