Muqdisho (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka isku dubarridka barnaamijka xasilinta oo Muqdisho ka furmay.
Sidoo kale, waxaa shirkan looga arrinsanayaa horumaradii laga sameeyey barnaamijka xasilinta ee dawladdu hoggaamiso, kaas oo lagu gaarsiinaayo adeegyada bulshada, maamul-dhiska, amniga iyo caddaaladda deegaannadii dhowaan la ga xoreeyey Khawaarijta.
Dhanka kale, shirkan magaalada Muqdisho ka furmay ayaa sida oo kale lagu falanqeynayaa u diyaar-garowga wejiga labaad ee hawlgallada dib-u-xoreynta ee ka socda qaybo ka mid ah dalka.
Sikastaba, ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa dib uga baxay deegaanno badan iyo degmooyin dagaallo xoggan looga saaray kooxda Al Shsbaab, kuwaa oo la filayay in ay ku laabtaan dadkii ka barakacay.


