UK (KAAB TV) – Warbaahinta Caalamka ayaa hadal heysa Iscasilaada Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Ingiriiska, Angela Rayner oo la kulantay fadeexad la xiriirta in aysan bixin Canshuurta guri ay u laheyd si shaqsi ah.
Angela Rayner ayaa sheegtay in ay qaadatay qaladka ay ka gashay dalkeeda ee la xiriira canshuurta, sidaasi darteedna ay is casishay.
Intaasi ka dib, Isbeddel ayuu Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ku sameeyay Xukumadda, iyadoo David Lammy, wasiirkii arrimaha dibadda loo magacaabay inuu noqdo ku-xigeenka ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka caddaaladda.
Sidoo kale, Yvette Cooper, oo horey u ahayd wasiirka arrimaha gudaha, ayaa loo wareejiyey wasaaradda arrimaha dibadda, halka Shabana Mahmood ay noqotay wasiirka cusub ee arrimaha gudaha.
Xisbiga Shaqaalaha ee talada dalka Ingiriiska haya ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya bulshada, ka dib iscasilaada Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Ingiriiska, Angela Rayner.

