Muqdisho (KAAB TV) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa u safray dalka Jabbuuti.
Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo la yeelan doona Madaxda sare ee dalka Jabbuuti, sida Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha wadankaasi.
Kulamadan ayaa la filayaa in looga hadlo xoojinta xiriirka dhinacyada ganacsiga, iyo amniga labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka AS & Daacish.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Jabbuuti u tagaya casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxwaynaha Dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.
Dowladaha Soomaliya iyo Jabuuti waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya, sida Amniga iyo dhaqaalaha.