Muqdisho (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha UK Soomaaliya, Michael Nithavrianakis.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjire Michael Nithavrianakis ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo danaha guud ee labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, la-dagaallanka argagixisada iyo doorashooyinka dadweynaha dib loogu celinayo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan hoggaankooda.
Dhanka kal, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaaggay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa.
Danjire, Michael, ayaa dhankiisa sheegay in dowladda UK ay taageereyso siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, la-dagaallanka kooxaha argagxisada ah iyo in ciidanka Soomaaliya la wareegaan guud ahaan amniga Qaranka.