SO | EN

SO | EN

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dhagx dhigay dhismaha xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed

|

Muqdisho (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul-Iftaa, isagoona sheegay in xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Xamse ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diintooda, isla markaana ay culimadu waligoodba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan.

“Mashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid tahay xaruntan Daarul-Iftaa, waxaana rajeynayaa in uu mashruucani noqdo mid guuleysta, kana shaqeeya midnimada Ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugudameyntii Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka hirgelinta xaruntan, isaga oo xusay in lagu dhisayo iskutashi oo aysan jirin wax kaalmo dibadeed ah oo lagu maalgelinayo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News