SO | EN

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan laqaatay guddiga doorashooyinka madaxabanaan

|

Muqdisho (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadd Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka isaga oo Warbixin ka dhageystay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliyeed uga go’antahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah iyadoo awoodda loo celinayo shacabka si ay codkooda ugu soo doortaan madaxda hoggaamineysa.

Dhanka kale, Xamse Cabdi Barre ayaa guddiga doorashooyinka kula dardaarmay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galo hirgalinta doorashooyinka dalka si hufan oo caddaalad ku saleysan maadaama uu Baarlamaan.

Sikastaba, Guddigan ayaa dowladda Soomaaliya u xil saartay in  ay qabtaan doorasho qof iyo cod ah, xilli muddo xileedka dowladda ka harsan tahay wax ka yar sannad iyo bar, waxaana la aaminsan yahay in guddigan codsan doonaan muddo kororsi si ay doorashadaasi u higaliyaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News