SO | EN

SO | EN

Ra’iiul Wasaare Xamse oo wajahaya Mooshin xoogan oo ay wadaan Xildhibaano badan

|

Muqdisho (KAAB TV) – Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa wada diyaarinta mooshin la doonayo in xilka looga tuuro Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, marka uu furmo kalfadhigga Golaha Shacabka.

Sidoo kale, warar hoose oo uu kaabtv helay ayaa sheegaya in xildhibaannada mooshinka diyaarinaya oo ku sugan Muqdisho iyo Nairobi, ayaa wadaan abaabul iyo olole xooggan, si mooshinka ay wadaan u noqdo mid meel mara oo xilka looga tuuro Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda oo fashil lagu eedeeyay.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiladhiif Sanyare ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaanno badan wadaan abaabulka mooshinka xilka looga tuurayo Xamse Barre, waxa uuna xusay xildhibaanka in mooshinka hadda saxiixeen xildhibaanno gaaraya 120 xildhibaan, ayna filayaan in 23-ka bishan Baarlamaanka horgeeyaan mooshinka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News