SO | EN

SO | EN

Saalax Jaamac ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay hadalkii Cabdi Xaashi

|

Muqdisho (KAAB TV) – Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay qoraal ay soo saareen ku shaaciyay in kursiga Aqalka Sare uu ku fadhiyay Ra’isul Wasaare Kuxigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac, uu lumiyay kaas oo lagu eedeeyay in uusan imaan afar kalfadhigi oo golaha yeesheen.

Sidoo kale, qoraal uu soo saaray Ra’isul Wasaare Kuxigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayuu uga hor yimid go’aanka uu guddoomiyaha Aqalka Sare uga qaaday kursigiisa, waxa uuna ku tilmaamay tallaabadaasi mid sharcidarro iyo xadgudub uu ku dhaqaaqay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waxa uu beeniyay Senatar Saalax Axmed Jaamac in uu ka maqnaa dhammaan kulamada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in ay ku jiraan kulamo uu ka qeyb galay ayna ka mid yihiin kuwa wadajir ah ay yeesheen labada Aqal.

Dhanka kale, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale in uu yahay nin ay saaran tahay masuuliyad fullineed, sidaa darteed aysan suurto gal u aheyn in mar kasta uu ka qeyb galo kulamada ay yeeshaan Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Saalax Jaamac ayaa qoraal ku diiday eedeymo uga yimid Cabdi Xaashi.
Saalax Jaamac ayaa qoraal ku diiday eedeymo uga yimid Cabdi Xaashi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News