SO | EN

SO | EN

Ra’isul Wasaare Xamse oo magacaabay Wasiirro cusub, xilkana ka qaaday kuwa kale

|

Muqdisho (KAAB TV) – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa saakay wareegto uu soo saaray ku magacaabay wasiirro cusub oo kamid noqonaya Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiiradda uu magacaabay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa isugu jira kuwa horey boosaskooda u bannaanaayeen iyo wasiirro cusub uu xilka ka qaaday una magacaabay xubno cusub oo beddelayo.

Axmed Macalin Fiqi wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa loo magacaabay in uu noqdo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, halka booska wasiirka arrimaha gudaha loo magacaabay Cali Yuusuf Cali Xoosh.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale u magacaabay wasiirka cusub ee amniga Soomaaliya Senator General Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ah siyaasiyiinta caanka ah ee kasoo jeeda gobolka Gedo.

Xamse Barre ayaa sidoo kale u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame xilka wasiirka wasaarada Tamarta iyo Biyaha, halka Maxamed Aadan Macalin loo magacaabay wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa u magacaabay mudane Axmed Cumar Maxamed wasiiru dowlaha wasaaradda Bay’adda iyo isbadalka cimilada.

LIISKA WASIIRADA CUSUB

1. Axmed Macalin Fiqi – Wasiirka Arrimaha Dibadda

2. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

3. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag – Wasiirka Amniga Gudaha

4. Cabdullaahi Bidhaan Warsame – Wasiirka Tamarta iyo Biyaha

5. Maxamed Aadan Macallin – Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta

6. Axmed Cumar Maxamed – Wasiiru dowlaha Bay’ada iyo Isbeddelka Cimillada

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News