Minneapolis (KAAB TV) – Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa fadeexad kale kala kulmay kulan uu culimada Soomaalida kula qaadanayey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Xamze ayaa codsaday in culimada ay kulan quraac ah la yeeshaan culimada ku dhaqan Minnesota maadaama uu booqasho ku joogay halkaasi wafdi uu hoggaaminayo Ra’isul Wasaaraha.
Culimadii lagu casumay kulanka waxaa ka mid ahaa Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo ah caalim si weyn looga yaqaano dhulka Soomaalida, asal ahaanna kasoo jeeda Jabuuti.
Xubno ku dhow Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir ayaa noo xaqiijiyay in markii kulanku bilawday lagu wargaliyay in Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir aan loo ogolaan karin inuu ka mid noqdo culimada hadallada ka jeedineysay kulanka, sababo lagu sheegay mowqifkiisa adag ee ku aaddan Madaxweynaha Jabuuti Kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle.
Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir ayaana kulanka isaga soo baxay.
Xamze iyo Sheekh Cabdiraxmaan
Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir ayaa ahaan jiray macallin daraasad u dhigi jiray dhallinyaro uu ku jiray Xamze Cabdi Barre oo bilawgii 2000 qoxooti ahaan ugu noolaa dalka Yemen.
Sheekh Cabdiraxmaan ayaa aad uga soo muuqda warbaahinta Soomaalida, waxaana lagu yaqaanaa inuu bixiyo wareysiyo uu ku dhaliilayo xukunka Ismaaciil Cumar ee ka taliya dalka Jabuuti oo ay dadkiisa ku nool yihiin xaaladaha faqri yo gaajo tan ugu liidata.
Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrinta ka dhacday kulankii culimada ee Minnesota.