LONDON (Kaab TV) – Shalay, waxaa dhacay kulankii labaad ee fool-ka-fool u dhexmara Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Madasha Samatabixinta iyo Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubaland ay kula kulmeen iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulankan kii ka horreeyay wuxuu ahaa kii ka dhacay Hotel Decale, ee xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, oo ujeedkiisu ahaa in xoogaa shakiga iyo kala aamin-baxa la isaga soo dhowaado, inkastoo kulankaas laf ahaantiisa aanu dhalin wax is aaminaad ah oo qolo kasta goonigeeda qado uga keensatay meelo kale.
Waxaa garab socday labo shir oo ay kala lahaayeen labada garab ee uu Baarlamaanka Federaalka u kala jabay, qarkana hadda u saaran in labo guddoomiye uu yeesho.
Xitaa iyada oo kulanka shalay uu ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa fadqalo lagu sameeyay Madaxweynaha Jubaland oo qori BKM ah looga dhex xaday Villada, inkastoo naloo sheegay in qorigii lasoo heley.
KULANKA SHALAY
Daqiiqadihii shalay la fadhiyay Villa Soomaaliya lama gaarin isu soo dhowaansho labada arrin ee ugu weyn: waa beddelidda Dastuurka ku-meel-gaarka ah oo hal dhinac ah iyo qaabka loo qaban doono doorashada 2026.
Dhanka Golaha Mustaqbalka waxay ku adkeysanayaan go’aankoodii ay marar badan sheegeen ee ahaa in Dastuurku yahay kii 2012 oo isbeddel aan la isku raacsaneyn jiri karin, iyo in doorashadu noqoto hab la wada aqbalsan yahay oo aan cid gaar ah jeebka ku ridan karin.

Labadan arrimood Xasan waa ku dhib, mana uu rabo inuu fuliyo.
Marka la heshiin waayo, siyaasiyiinta Soomaalida waxay ku kala tagaan labo waxyaabood: in guddi la saaro iyo in dib la isugu soo laabto. Sidaas ayaana shalay kulankii ahaa lagu afmeeray.
Saaka oo Jimce ah dhanka Golaha Mustaqbalka waxay noo sheegeen inay dhankooda diyaariyeen xubnaha guddiga, ayna sugayaan dhanka Xasan Sheekh.
Ma rabo inaan ka hordhaco, laakiin waxaa iska muuqata in haddiiba arrimaha waaweyn aan tanaasul ka jirin, daacadnimo ay ka maqan tahay dhinacyada shiraya, inaysan natiijo kasoo bixi doonin.
MAXAA HADDABA LOO KULMAYAA HADDAAN LA HESHIIN KARIN?
Waa su’aasha ay qabaan dadka aan sida hoose ula socon shirarkan doorashada iyo khilaafka ka taagan Dastuurka iyo doorashada.
Xasanka Villada wuxuu leeyahay labo ujeeddo oo ah inuu helo fursad kasta oo lagu kala tagi karo, ka dibna eedda dusha u saaro dhanka Golaha Mustaqbalka.
Tan labaadna waa in waqtigu fogaado, oo marba dib loo dhaco intii ay u gaarto.
Dhanka Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan Puntland iyo Jubaland waxay qabaan in si kasta oo Xasan irdaha marmarsiinyada looga soo xiri karo la sameeyo, oo waa taa ay Villada ugula kulmeen, iyo in la abuuro fursad doorashada tteendhada ku qabsoomi karto.

