Rajo iyo caqabad wada socda

|

MUQDISHO (Baraarug) – Inkasta oo ay jiraan caqabado badan oo dhanka nolosha ah, haddana Cabdinaasir Isaaq oo bajaaj ku wada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weli ay jirto rajo uu mustaqbalka ka qabo noloshiisa.

Wuxuu tilmaamay in shaqada kaliya ee uu ku tiirsan yahay ay noqotay mootada bajaajta, taasoo uu ku maareeyo baahiyaha qoyskiisa iyo noloshiisa maalinlaha ah.

Cabdinaasir ayaa sidoo kale sheegay in dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ay dalka ka tahriibaan, sababo la xiriira shaqo la’aan iyo fursado xaddidan, inkasta oo isaga uu weli rumeysan yahay in rajo jirto haddii la dadaalo.

Wucuu sheegay inuu qabo rajo ah inuu mar uun ka gudbo shaqada bajaajta, isaga oo rajeynaaya inuu shaqo ka helo dowladda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News