SO | EN

SO | EN

Rakaab ku xaniban Garoonka Muqdisho & lacag sharci darra ah oo laga doonayo.

|

Muqdisho (KAAB )- Garoonka Aden Cade ee magaalada Muqisho waxaa ku xaniban Rakaab u safri lahaa gobolada dalka iyo dibada.

Arinta ayaa loo sababaynayaa ka markii dowlada Soomaaliya ay qofkasta oo rakaabka diyaaradaha ay kuso rogtay inuu bixiy lacag dhan 9 dollar.

Lacagtan oo in muddo ah muran uu ka tagnaa waxaa la sheegay in ay doonayso  wasaaradda Gaadiidka iyo maamulka garoonka sida ay ii xaqiiyeen xubno ka mid ah maamulka diyaaraddaha.

Xogaha ayaa sheegaysa in lacagtan  9 kadollar ah  shirkaddaha diyaaraddaha ee ay Soomaalidu leedahay ama maamulan  lagu amray iney shacabka saaran, kadibna lacagtaas lagu shubo akoon ay leedahay shirkad gaar ah.

Sidoo kale xogta dadka dhoofaya ayaa loo dhiibaya shirkad gaar ah, taas oo iyaduna aad uga soo horjeeda nidaamka amniga iyo kalsoonida dadka dhoofaya.

Waxaa jirta 20 shirkadood oo diyaaraddaha ka shaqeeya oo ay Soomaali leedahay kuwaas oo u safra gudaha gobollada dalka iyo Kenya.

Dowladda  uu hoggaamiyo Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wali si rasmi ah uga hadlin dhibaatada ka taagnaa  in muddo ahba garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News