JOHANNESBURG (Kaab TV) – Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa shaqada ka ceyriyay Wasiirka Booliska Senzo Mchunu, kaddib markii lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay kooxo dambiyo abaabulan ku lug leh.
Khudbad toos ah oo uu Axaddii siiyay shacabka, Madaxweyne Ramaphosa wuxuu ku dhawaaqay in la magacaabay guddiga baarista garsoorka, si loo baadho eedeymahaas oo uu ku tilmaamay kuwo halis ku ah dastuurka dalka iyo ammaanka qaranka.
Wuxuu intaas ku daray in Professor Firoz Cachalia, oo ah khabiir sharci, si kumeel gaar ah loogu magacaabay Wasiirka Booliska.
Senzo Mchunu, oo ah 67 jir, ayaa beeniyay eedeymahaas, isagoo sheegay in uu diyaar u yahay in uu si buuxda uga jawaabo waxyaabaha lagu eedeeyay.
Ramaphosa wuxuu sheegay in eedeymaha loo jeediyay Mchunu — oo ay ka mid yihiin faragelin uu ku sameeyay baaritaanno la xiriira dilal siyaasadeed iyo musuq ku dhex jira hay’adaha fulinta sharciga — ay u baahan yihiin baaris degdeg ah oo dhamaystiran.
Wuxuu sheegay in guddiga baarista, oo uu hogaaminayo ku-xigeenka guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, uu baaritaan ku samayn doono eedeymaha oo dhan.
Baaritaan mas’uuliyiin hore
Guddigan sidoo kale wuxuu baari doonaa mas’uuliyiin hore iyo kuwo hadda ka tirsan booliska iyo xubno ka tirsan fulinta dowladda qaranka, sida uu sheegay Ramaphosa.
Madaxweynaha ayaa la kulmay cadaadis shacabka uga imaanaya si uu si dhakhso leh uga falceliyo arrintan sare u qaaday dareenka dadweynaha.
Mchunu waa siyaasi miisaan leh oo ka tirsan xisbiga talada haya ee ANC (African National Congress) ee uu Ramaphosa madaxda ka yahay.

Falanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa aaminsan in uu u tartami karo jago hoggaamineed marka uu xisbigu qabto shirkiisa doorashada sanadka 2027.
Wasiir Mchunu wuxuu war-saxaafadeed ku sheegay: “Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka madaxweynaha, anigoo ixtiraamaya, waxaanan ballanqaadayaa in aan si buuxda ula shaqayn doono habraaca.”
Wuxuu intaas ku daray: “Aniga ahaan, sharafta iyo daacadnimada waa qiyamka aan aaminsanahay, kuwaas oo ay tahay in aan dhammaanteen ilaashano.”
Asalka Eedeymaha:
Eedeymahan ayaa markii ugu horreysay la shaaciyay Axaddii hore iyadoo uu sheegay Taliyaha booliska gobolka KwaZulu-Natal, General Nhlanhla Mkhwanazi.
Wuxuu sheegay in Wasiir Mchunu uu lacag ka helayay ganacsade musuq ku eedeysan, si uu ugu maalgeliyo olole siyaasadeed.
Sidoo kale, Gen. Mkhwanazi wuxuu sheegay in uu jiro qorshe loo diyaariyay si loo kala diro koox boolis ah oo la asaasay 2018, kuwaasoo baari jiray dilalka siyaasadeed ee ugu badan gobolka KwaZulu-Natal.
Wuxuu sheegay in kooxdaas baaritaanadooda ay xiriir la heleen mas’uuliyiin sare, saraakiil boolis, iyo ganacsato ku lug leh shabakado daroogo, taas oo sababtay in kooxdii la kala diro.
Markii uu Mchunu kala diray kooxdaas horaantii sannadkan, wuxuu ku andacooday in aysan wax qiime ah kusoo kordhin gobolka – inkasta oo kiisaskii badankood ay xalli waayeen.
General Mkhwanazi wuxuu sidoo kale sheegay in 121 faylal kiis ah laga qaaday kooxdaas amarna laga siiyay Wasiirka Mchunu, iyadoo aan laga helin oggolaansho Taliyaha guud ee booliska qaranka, General Fannie Masemola.
Wuxuu yiri: “Faylashaasi tan iyo bishii Maarso waxay yaallaan xarunta dhexe iyadoo aan wax baaritaan ah lagu samayn. Shan kamid ah faylashaas waxay xambaarsanaayeen amarro lagu soo qaban lahaa dad loo haystay dambiyo.”
Gen. Mkhwanazi wuxuu intaas ku daray in Mchunu uu xiriir la leeyahay ganacsade muran badan dhaliyay oo lagu magacaabo Vusimuzi Matlala, kaasoo si maaliyadeed u taageerayay hawlaha siyaasadeed ee wasiirka.
Matlala wuxuu la lahaa heshiis qiimo badan ah oo uu kula jiray booliska, kaasoo la joojiyay markii la xiray bishii May isagoo lagu eedeeyay isku day dil. Mkhwanazi wuxuu soo bandhigay farriimo qoraal ah iyo lacag la bixiyay, taasoo uu sheegay in ay caddayn u tahay xiriirkaasi.

