SO | EN

SO | EN

Ramzan Kadyrov oo Shaaciyay waxa ka careesiiyay Hoggaamiyaha Wagner ee Kacdoonka sameeyay

|

Moscow (Kaab TV) – Xaalada dalka Ruushka ayaa hadda degan, kaddib saacado dalkaasi uu galay jahwareer siyaasadeed iyo mid amni, kaa oo ka dhashay kacdoon ay sameeyeen ciidamada calooshood u shaqeestayaasha ee loo yaqaan Wagner.

Hoggaamiyaha Chechnya Ramzan Kadyrov, oo kamid ah saaxiibada madaxweyne Putin ayaa ka hadlay waxa sababay kacdoonka ay ku dhawaaqeen kooxda Wagner oo horey wada shaqeyn dhaw ula lahaa milatariga Turkiga.

Waxa uu sheegay Ramzan in hoggaamiyaha kooxda Wagner  uu ka xanaaqay silsilado heshiisyo ganacsi oo aan guulaysan, waxa uuna tilmaamay in hoggaamiyahaasi uu yahay nin dantiisa gaar ah ku dhax wata ciidanka uu hoggaamiyo.

Hoggaamiyaha maamulka taabacsan Ruushka ee Chechniya ayaa sheegay ninka hoggaamiyaha Wagner ee Yevgeny Prigozhin, uu mar hore kula taliyey  in uu dhinac iska dhigo arrimihiisa gaarka ah.

Waan la hadlay Prigozhin, waxaan ku boorriyay inuu ka tago hammigiisa ganacsi oo uusan kumilin arrimaha muhiimka ah ee qaranka, waxaan u maleynayay inuu i maqlay, laakiin waxaa i soo baxday in xanaaqiisa isaga ku jira uu sii kordhayay intii mudo aheyd.ayuu yiri Ramzan.

Hoggaamiyaha kooxda Wagner ayaa sheegay in ay ka kacdoomeen tacadiyo ciidankiisa kala kulmeen ciidamada Ruushka, waxa uuna hoggaamiyahan saacado jahwareer siyaasadeed iyo mid amni uu galiyay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News