Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

RASMI: Puntland oo beesha caalamka uga dacwootay siyaasadeynta gargaarka Soomaaliya

|

Garoowe (KAAB TV) – Warqad adag oo ku socota dhinacyo badan oo daneeyayaasha caalamiga ah, ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa walaac xooggan ka muujiyay siyaasadeynayo kaalmada deeq bixiyayaasha iyo taageerada miisaaniyadeed ee Soomaaliya caalamka siiyo.

Warqaddan, oo ku wajahan dalal ay ka mid yihiin USA, UK, iyo xubno ka tirsan Midowga Yurub, iyo sidoo kale hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, ayaa hoosta ka xarriiqay codsi ah in si siman loo qaybsado gargaarka caalamka siiyo Soomaaliya.

Warqadda, oo ku taariikhaysan Juun 9, 2024, ayaa muujineysa dhaqan khalafsan oo Muqdisho lagu eedeeyay oo ah in ay u adeegsaneyso deeqaha caalamiga ajandayaal siyaasadeed. Madaxweyne Deni ayaa ku nuuxnuuxsaday in dhaqankan uu si gaar ah u soo shaac baxay tan iyo markii dib loo doortay, taasoo saameyn ku yeelatay mashaariicdii loo qoondeeyay iyo taageerada miisaaniyadeed ee loogu talagalay Puntland.

“Waxaan qoraalkan u qorayaa inaan walaac xooggan ka muujinayo siyaasadeynta sii kordheysa ee Muqdisho ee ku aaddan kaalmada deeq-bixiyeyaasha iyo bixinta taageerada miisaaniyadeed,” ayuu yiri Deni, isagoo tilmaamay in ficilladan oo kale ay wiiqayaan ujeeddada ugu muhiimsan ee gargaarka horumarinta, taas oo ujeeddadeedu tahay ” horumarinta nolosha muwaadiniinta iyo kobcinta horumar waara, ma aha in la horumariyo danaha siyaasadeed ee cidhiidhiga ah.”

PUNTLAND OO RABTA IN DEEQDA GOONIGEEDA LOO SIIYO

Warqadda Deni ayaa ku baaqaysa in laga feejignaado saameynta xun ee ay ku yeelan karto siyaasadeyntan, isagoo xusay inay iska indha tireyso waajibaadka dastuuriga ah, isla markaana ay uga sii dareyso xaaladda taagta daran ee dalka, taasoo keeni karta inay halis gasho xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya. Waxa uu soo jeediyay in la sameeyo hannaan gooni ah oo u sahlaya bangiyada horumarinta ee dhinacyada badan leh in ay bixiyaan gargaar iyo taageero toos ah oo la siiyo Puntland, oo ka madax bannaan faragelinta siyaasadeed ee Muqdisho.

“Marka la eego xaaladdan adag, waxaan ka codsanaynaa saaxiibadayada labada dhinac iyo kuwa badanba in ay garwaaqsadaan dhibaatada ay leedahay xaaladdan, isla markaana ay gacan ka geystaan ​​sidii ay Dawladda Puntland u heli lahayd kaalmada deeq-bixiyayaasha ee lagama maarmaanka ah, isla markaana ay u bixiso taageero miisaaniyadeed oo ka madhan siyaasadda Muqdisho,” ayay caddeysay warqadda Deni.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay dadaalka ay Puntland ugu jirto sidii ay si wax ku ool ah ula yeelan lahayd bangiyada horumarineed ee dhinacyada badan leh iyo Muqdisho si loo xaliyo arrimaha taagan. Dadaaladaas, ayuu xusay, in guulo yar laga gaaray, iyadoo Muqdisho lagu eedeeyay in ay bilaabeen olole been abuur ah iyo faafinta dacaayado ka dhan ah Puntland.

Ismari waaga ka dhex aloosan madaxda Puntland iyo Muqdisho ayaa soo socday tan iyo bishii May 2022, balse waxaa cirka isku sii shareeray xiisadda ka dhalatay dib u doorashadii Deni ee horaantii 2024. Waxaa intaa dheer, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay inuu si iskiis ah u bedelay dastuurkii, taasoo ay ka soo horjeesteen Puntland iyo qeybaha kale ee siyaasadda dalka.

Sidoo kale, Deni ayaa xaqiijiyey in Puntland ay ka go’an tahay maamul-wanaagga, mas’uuliyadda maaliyadda, iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka horumarinta. Waxa uu ugu baaqay saaxiibada beesha caalamka in ay Puntland ka taageeraan sidii loo dhisi lahaa dowlad barwaaqaysan, isla markaana ay ka qayb-qaataan nabadda iyo xasilloonida guud ee Soomaaliya.

“Waxaan idinku boorrinayaa inaad u adeegsataan saameynta xafiiskaaga si aad u ilaalisaan dimuqraadiyadda, u hoggaansamaan sharciga, iyo horumarinta nabadda Soomaaliya oo dhan,” ayuu Deni hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay, isagoo ka codsaday in si deg-deg ah wax looga qabto arrintan.

Warqadan ayaa loo arkaa tallaabo wax ku ool ah oo wax looga qabanayo caqabadaha ka jira qaybinta gargaarka ee Soomaaliya, iyadoo la doonayo in lagu xaqiijiyo in kaalmada horumarineed la gaarsiiyo dadka u baahan iyadoo aan la carqaladeynin ajendayaal siyaasadeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News