SO | EN

SO | EN

Raysal wasaarihii hore ee UK oo sheegay in uu Putin u hanjabay

|

Muqdisho (Kaab TV) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain Boris Johnson ayaa sheegay in mar uu taleefoon kula soo xiriiray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka hor duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, uu ugu hanjabay inuu gantaallo ku weerarayo.

Ra’iisul wasaarihii xilligaas wuxuu sheegay in uu Putin ku yiri  “hal daqiiqo oo kali ah ayey qaadan”.

Johnson wuxuu xusay in weedhan uu Putun adeegsaday ka dib markii uu kaga digay inta lagu guda jiro wicitaan telefoon oo “aad u dheer”  kaas oo isaga iyo Putin dhex mnaray bishii Febraayo 2022 in dagaalku noqon doono “musiibo ballaaran”.

Johnson ayaa uga digay Putin in duullaanka Ukraine uu u horseedi doono cunaqabateyn reer galbeedku saaro Ruushka iyo ciidamada gaashaan buurta NATO oo la soo dhoobo xuduudaha Ruushka.

Waxa uu sidoo kale isku dayay in uu ka hor joogsado Putin tillaabo militari isagoo u sheegay in Ukraine aysan ku biiri doonin NATO “mustaqbalka dhow”.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa yiri: “Hal mar ayuu ii hanjabay oo igu yiri wax la mid ah, ‘Boris, ma rabo in aan anigu ku dhaawaco, laakiin gantaalka waxay ku qaadan doontaa hal daqiiqo oo kaliya’.”

“Laakiin waxaan u maleynayaa in qaabkiisa dabacsan, is lurid la’aantiisa, uu uga jawaabayay isku dayga aan ku doonayey inaan ku qanciyo inuu gorgortan galo.”

Suurtagal ma aha in la ogaado in hanjabaadda Putin ay dhab tahay.

Si kastaba ha ahaatee, marka la eego weerarradii hore ee Ruushku ka fuliyey gudaha Britain – sida  kii ugu dambeeyay ee Salisbury ee 2018 – hanjabaad kasta oo ka timaada hoggaamiyaha Ruushka, si waliba oo uu kaftan ahaa loo dhoho, ayaa u badan inay Johnson ku qasabvto inuu hanjabaad dhab ah u qaato.

Faahfaahinta kulanka ayaa lagu soo bandhigi doonaa Dokumentariga BBC-da oo maanta la baahin doono, kaas oo ku saabsan wadahadalladii Putin uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha caalamka.

Sagaal maalmood ka dib, 11-kii Febraayo, Wasiirka Difaaca Britain, Ben Wallace wuxuu u duulay Moscow si uu ula kulmo dhiggiisa Ruushka, Sergei Shoigu.

Dukumentiga BBC-da ayaa qeexaya sida Wallace uga baxay shirka isagoo loo dammaanad qaaday in Ruushku aanu ku soo duuli doonin Ukraine, balse labada dhinacba waxay ogaayeen inay been tahay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News