Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Redwan Hussein oo noqday taliyaha sirdoonka Itoobiya

|

ADDIS ABABA (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa laba sarkaal oo kale u magacaabay inay kala hoggaamiyaan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISS) iyo Maamulka Amniga Shabakadda Macluumaadka (INSA).

Redwan Hussein, oo ahaa la taliyaha amniga ee Abiy, ayaa hadda loo magacaabay agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka NISS. Redwan ayaa bedelay Temesgen Tiruneh oo xilka ka degaya loona wareejiyay ku xigeenka Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Sidoo kale, haweeneyda lagu magacaabo Tigist Xaamid oo ahayd ku xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda Amniga Shabakadda Macluumaadka ayaa hadda loo magacaabay agaasimaha guud ee hay’addaasi.

Tigist waxa uu bedelay Solomn Soka, oo hogaaminayay hay’adda amniga internetka ilaa Luulyo 2022.

MAGACAABISYADA KALE

Dowladda Itoobiya ayaa saaka yeelatay wasiir cusub oo arrimo dibadeed iyo ku xigeenka ra’isul wasaaraha dalkaasi.

Kulan ay yeesheen saaka oo Khamiis ah Golaha Shacabka ee barlamaanka Itoobiya ayay ugu magacaabeen Ambasador Taye Atske Selassie inuu noqdo wasiirka arrimaha dibadda.

Danjire Taye ayaa ahaa danjirihii Itoobiya u joogay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Dhinaca kale, Temesgen Tiruneh oo ahaa talihii sirdoonka Itoobiya ayaa loo magacaabay ku xigeenka Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Wuxuu bedelay Demeke Mekonnen oo toddobaadkii hore loo wareejiyay taliyaha sirdoonka Itoobiya. Labada nin ayaa ka yimaada qowmiyadda Amxaarada.

Isbeddelka xilalka muhiimka ee ka dhacay dalka Itoobiya ayaa imaanaya iyadoo dowladda Abiy ay wajaheyso xaalado dhaqaale darri iyo khilaafaad hubeysan oo hareeyay dalka intiisa badan.

Dhanka kale, waxaa weli taagan khilaafka Itoobiya kala dhexeeya Soomaaliya ee ka dhashay heshiiskii muranka dhaliyay ee Ra’isul Wasaare Abiy uu la saxiixday Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News