Addis Ababa (KAAB TV) – Redwan Hussein oo lataliyaha amniga Qaranka ee R/Wasaare Abiy Axmed ayaa bartiisa X(Twitter) ayaa waxa uu kuqoray hadal u ekaa inuu jawaab u ahaa hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha dalka Masar Al-Siisi Cabdilfataax Al-Siisi.
Sidoo kale, Al-Siisi ayaa waxa uu sheegay in uu Somalia uu kataageeri doono muranka badda ee Itoobiya kala dhexeeyo isagoona Al-Siisi xusay in uusan jirin dalka kuxad gudbi karo amniga iyo madaxbanaanida Somalia.
Dhanka kale, Redwan Hussein ayaa isna dhankiisa sheegay in wadahadalka ey Somaliland lasaxiixdeen uu yahay heshiis iskaashi iyo wax wada qabsi o Itoobiya marin uu siinaaya badda kuna saleysan ujeedo ganacsi.
Redwan Hussein ayaa waxa uu intaasi kusii daray “jilayaasha qaarkood, oo aan taageero badan siinin Soomaaliya waqtigii ay baahnayd, ay isku dayayaan inay isku muujiyaan inay yihiin saaxiibo dhab ah” sida uu hadalka u dhigay Redwan Hussien.
“Itoobiya waxa ay jeclaan laheyd in dhamaan deriskeeda ey lasameyso macmiil iyadoo muhiimadu tahay iskaashi si loo kobciyo isdhexgal waafi ah oo gobolka kadhaca”
Ugudambeyn, dowladda Itoobiya waxa ey aaminsantahay in wadahadalada oo sii socda ey kawanaagsantahay war qoraaleedka lasoo saaraayo, halka ismuujinta iyo hadalada kulul iyo wixii laga baaqsankaro ee xiisada sii kicinaya.