Muqdisho (KAAB TV) – Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii la socday ayaana maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho waxaana si weyn usoo dhaweeyey Mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa,oo 12–kii bisha safar Taariikhi ah oo ujeedkiisu ahaa xoojinta midnimada iyo nabadda ku gaaray Laascaanood, ayaa dhagax dhigay Mashaariic badan oo hormarineed, isaga oo qaar kalena daah-furay, waxaana uu maamulka iyo bulshada degaanka ku bogaadiyey sida ay ugu heelan yihiin ilaalinta midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.