SO | EN

SO | EN

Roob khasaare sababay oo maanta ka da’ay Muqdisho

|

Muqdisho (Kaab TV) – Roob xooggan ayaa maanta magaalada Muqdisho ka da’ay kaas oo saameyn kuu yeeshay guryo ay daganaayeen qoysas dan’yar ah.

Degmooyin ay ugu horeeso Warta Nabadda ayaa laga soo warinaayaa qasaare baaxad leh oo kadhashay roobkii maanta ka da’ay magaalada Muqdisho.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa tabisay in ugu yaraan lix mooto Bajaaj ah ay biyuhu qaadeen kuwaas oo kudhacay God weyn oo ay biyuhu fariistaan oo kuyaala degmadaas.

Mid kamid ah dhalinyarada lahadshay warbaahinta ayaa yiri, markii ay mootooyinka biyaha naga qaadeen waxaan tagnay saldhiga degmada cid wax nooqabatana wan weynay maadaama aan nahay canshuur bixiyayaal waa in ay dowladu wax noo qabataa ayuu yiri.

Wiilkaas dhalinyarta ayaa sheegay in naftiisa uu si dirqi ah uu uga bad baadsaday markii ay mootadiisa ay biyaha qaadeen mana uusan helin wax caawinaad ah ayadoo ay soo wajahday xaladaas.

Wararka qaar ayaa sheegaaya in ay jiraan guryo dumay iyo caruur ay biyuhu qaadeen maadaama aysan jirin cid kawar bixisay oo warbaahinta gudaha lahadashay.

Inta badan Roobabka ka da’ magaalada Muqdisho ayaa waxa uu saameeya dadka dan’yrta ah kuwaas oo kunool guryo qadiimi ah iyo guryo Buushash ah inta badan Maamulka gobolka Banaadir kor iskama saaraan in ay wax kaqabtaan hagaajinta meelaha biyo mareenka ah ee magaalada Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News