Muqdisho (KAAB TV) –Saynis yahanada Cimilada ee Xarunta Saadaasha Cimilada ee Igad (ICPAC) ayaa saadaaliyay in roobab ka badan sidii caadiga ahayd ay ka da’i doonaan inta badan gobolada Tanzania, Burundi, Rwanda, bariga Kenya, waqooyiga Suudaanta Koonfureed iyo koonfurta Suudaan.
“Roob dhexdhexaad ah oo u dhexeeya 50-200milimitir ayaa la filayaa inta badan qaybaha Rwanda, Burundi, waqooyi-galbeed iyo koonfurta Tansaaniya, galbeedka Uganda, xeebaha, waqooyi-bari iyo galbeedka Kenya, qaybo ka mid ah galbeedka Itoobiya, waqooyiga Koonfurta Suudaan iyo koonfurta Sudan,” ayay tiri Igad Climate Predictions and Applications Center (ICPAC).
Hay’adda gaarka ah ee urur goboleedka IGAD ayaa ka digaysa “Roobka xooggan ee la filayo inuu ka da’o qaybo ka mid ah waqooyi-bari Kenya iyo qaar ka mid ah gobollada koonfurta iyo waqooyiga Tansaaniya waxay dhalin karaan daadad go’doonsan. Bulshooyinka ku nool meelaha hoose waa inay taxaddaraan.”
Saadaasha toddobaadlaha ah ee ICPAC, roobab fudud oo ka yar 50 milimitir ayaa la filayaa in ay ka da’aan inta badan gobollada bartamaha ilaa koonfurta Suudaanta Koonfureed, koonfurta Suudaan, galbeedka iyo koonfurta Itoobiya, bartamaha ilaa koonfurta Soomaaliya, bartamaha Tanzania, bartamaha Kenya iyo bartamaha ilaa bariga Uganda.
Heerkulka gobolka ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka sii kululaado inta badan qaybaha gobolka marka laga reebo waqooyiga bari ee Kenya, oo uu ka gudbo xuduudaha Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya.
“Heerkul sare oo ka sarreeya 32 ℃elsius ayaa laga filayaa qaybo ka mid ah Suudaan iyo Canfarta ee Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka oo raaciyay, “heerkul dhexdhexaad ah ama sarreeya oo u dhexeeya 20-32 ℃elsius ayaa laga filayaa inta badan qaybaha Sudan, South Sudan, Eritrea, waqooyiga, galbeedka iyo bariga Itoobiya, Djibouti, Somalia, Uganda, Kenya, iyo Tanzania.”
Heerkul yar oo ka yar 20 ℃elsius ayaa laga filayaa inta badan qaybaha Burundi, Rwanda, bartamaha ilaa galbeedka Kenya, iyo bartamaha Itoobiya.