SO | EN

SO | EN

Ruushka iyo Ukraine oo maxaabiis is dhaafsaday xili wali dagaalka uusan dhamaanin

|

Ukraine (KAAB TV) – Ukraine iyo Ruushka ayaa Isniintii isweydaarsaday maxaabiis dagaal, iyadoo labada dhinac ay dib isugu celiyeen in ka badan 300 oo maxaabiis hore ah.

Sidoo kale, Kyiv ayaa dalka keentay 189 maxaabis oo hore, sida uu sheegay madaxweyne Zelensky, halka wasaaradda Ruushku ay sheegtay in 150 askari oo Ruush ah ay ku laabanayaan dalkooda.

Dhanka kale, Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in maxaabiista lagu sii daayay dalka Belarus, oo ah dalka Moscow saaxiibka dhow yihiin Ruushka tan iyo dagaalkii 34-ka bilood socday ee Ukraine, iyadoo loo gudbin doonaa Ruushka.

Zelenskyy waxa uu u mahadceliyey masuuliyiinta Isutagga Imaaraadka Carabta iyo la-hawlgalayaasha kale fududaynta is dhaafsiga maxabiista

Ugudambeyntii, dalka Imaaraadka Carabta ayaa cadeeyay in ay gacan ka geysteen qabanqaabada isdhaafsiga maxabiista labada wadan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News