SO | EN

SO | EN

Ruushka oo isbeheysi lasameysanaayo wadamadda Qaraada Africa sii uu uga hortago galaangalka reer galbeedka

|

Moscow (KAAB TV) – Dalka Ruushka waxaa maanta kafurmaya shir ay ku casuuntay wasiirada arimaha dibadda ee wadamada Afrika, Kulanka oo ka dhacay magaalada Sochi ee dalka Ruushka shirkan ayaa imaanaya xilli aqalka Kremlin ka uu doonaya in uu dib u hanto galaangalkii uu lahaa xilligii Soofiyetka isaga oo sare u qaadaya xiriirada dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo ammaanka ee uu la leeyahay qaaradda Afrika.

Sidoo kae, Kulankaan ayaa waxay u badan tahay in diiradda lagu saaro arrimo ay daneyn karaan hoggaamiyayaasha Africa sidoo kalana u adeegaya hadafka Ruushka ee ah in uu ka hortago galaangalka reer galbeed ee qaaradda Africa.

Mid ka mid ah waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay shirkii dhacay sanadkii hore ayaa waxaa ka mid ahaa in si wadajir ah looga soo horjeesto gumeysiga dahsoon ee lagu hayo qaarada oo idil.

Dhanka kale, si ka duwan Maraykanka iyo wadamada Yurub oo doonaya in sii xoojiyeen dimuquraadiyadda Afrika, Ruushku wuxuu macaamil la sameystay ragga xukunka ka tuuray taladana kala wareegay madaxweynayaal Afrikaan ah.

Hoggaamiyeyaasha Niger, Mali iyo Burkina Faso ayaa u jeestay dhanka Moscow iyaga oo ka doonaya taageero milateri, waxayna xiriirka u jareen Faransiiska.

Sikastaba, walaaca jira ayaa ah in dib-isu qaabayntaan aysan waxba ka tarin wali hakinta faafitaanka halista ah ee kooxaha xagjirka Islaamiyiinta ah ee gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News