SO | EN

SO | EN

Ruushka oo ku dhawaaqay in ciidankiisa uu ka qaaday xanibaada isticmaalka Hubka Culus

|

Moscow (KAAB TV) – Dowladda Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in ciidankeeda ay ka qaaday dhammaan xannibaadii ka saarnayd adeegsiga gantaallada riddada dhexe iyo kuwa riddada dheer, kaddib markii Ukraine ay jabisay xeerarkii adeegsiga hubka wax burburiya.

Sidoo kale, Ciidanka Ruushka, ayaa la sheegay in ay hadda xor u yihiin inay adeegsadaan oo ku dagaal galaan noocyada gantaallada, kuwaas oo burbur weyn dhalin kara, sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka.

Dhanka kale, Ku dhawaaqistan waxay daaha ka qaadeysaa waji cusub oo dagaalka Ukraine laga arki karo, Ruushka wax ka badan hal mar ma adeegsan muddada ku dhow afarta sanno dagaalka socda gantaalladiisa riddada dheer.

Sikastaba, Ciidanka Ruushka in hadda loo oggolaaday adeegsiga gantaallada halista badan ,waxay bilow u tahay isbeddel dagaalka iyo in la arko burbur weyn oo ka dhacaya goobaha istaraatijiga ah ee kuyaalla dalka Ukraine.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News