Addis Ababa (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay xoojisay beeralayda magaalooyinka taasoo qeyb ka ah istaraatiijiyada nololeed ee magaalooyinka.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku yiri: “Markii aan xoojinay beerashada magaalooyinka Itoobiya taasoo qayb ka ah istaraatiijiyadda hab-nololeedka magaalooyinka waarta, waxaan sidaas ku yeelnay annagoo si cad u fahannay awooddeeda wax-bedelka ah.”
Ra’iisul wasaare Abiy ayaa intaa ku daray in beeralayda magaalooyinku aysan kor u qaadin waaxda beeraha oo kaliya balse ay sidoo kale kobciyaan dhaqaalaha magaalooyinka ayna abuuraan shaqooyin.
“Waxay kor u qaadaysaa haqab-beelka cuntada qaranka, waxay taageertaa horumarinta magaalooyinka, waxayna si toos ah ugu xidhaa macaamiisha beeraha maxalliga ah,” ayuu carrabka ku adkeeyay.
Itoobiya waxa ay sare u qaadaysaa wax soo saarka iyada oo yaraynaysa saamaynta deegaanka iyada oo si hufan u isticmaalaysa meel bannaan iyada oo loo marayo dhaqamada ay ka midka yihiin beerashada toosan iyo ka faa’iidaysiga agabka dib loo warshadeeyay, ayuu yidhi Abiy.
“Dalka oo dhan, hindisayaashani waxay durba muujinayaan natiijooyin cajiib ah, taasoo caddaynaysa awoodda beerashada magaalooyinka si ay dib ugu habeeyaan magaalooyinkeena iyo xoojinta dhaqaalaheena,” Ra’iisul Wasaaraha ayaa amaanay.
Wuxuu ugu baaqay dadkii horey ugu howlanaa inay sii xoojiyaan dadaalkooda, kuna dhiirigeliyaan kuwa kale inay ka qeyb qaataan dhaq-dhaqaaqan sii kordhaya si loo helo mustaqbal magaalo oo waara.