Muqdisho (Kaab TV) – R/Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre, ayaa maanta bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo Wasaaradaha, si uu u xisaabtamo waxyaabihii ka qabsoomay ballanqaadkii ay horey u kala saxiixdeen.
Kulamada isla-xisaabtanka oo lagu furay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa R/Wasaaruhu waxa uu mas’uuliyiinta Wasaaradda wax ka weydiiyey waxyaabaha ka qabsoomay balanqaadkii ay horey u kala saxiixdaan ee la xiriiray waajibaadka wasaaradda.
Masuuliyiinta mashaariicda Wasaaradda gacanta ku haya ayaa soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay, waxa aan u fulin iyo caqabadaha siyaasadeed iyo farsamo ee heysta, iyada oo R/Wasaaruhu mid mid su’aalo uga weydiiyay masuuliyiinta mashaariicdaasi maamula.
R/Wasaaraha XJFS, Xamze Cabdi Barre, ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada in ay noqoto mid ka hufan musuq maasuq, bulshadana loogu adeego si daacad ah, isla markaana wax la taaban karo ka qabta sameynta isbitaallo, keyd daawo, qalab iyo wacyigelin bulsho, iyada oo la raacayo balanqaadkii ay horey u kala saxiideen. Waxaana uu si gaar ah u faray Wasiirka in uu xaqiijiyo in hawl kasta ay ku fusho xilligii loogu talagalay.