Muqdisho (Kaab TV)– R/Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre oo maanta shirweyne ka daah-furay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan faafinta wararka been abuurka ah ee la xiriira kooxda Al-Shabaab.
R/Wasaaraha ayaa sheegay in qof kasta looga baahan yahay inuu hubiyo xogta ama wararka inta uusan la wadaagin dadweynaha Soomaaliyeed.
“Marka la baahiyo warar ama muuqaalo been abuur ah bulshadeenana ay istcmaasho wararkaas aan la faaf reebin waxaan si aan ku talagal aheyn u noqoneynaa wakiilada raqiiska ah ee argagixisada oo rabta inay sumcad disho dalkeena”.ayuu yiri R/Wasaare Xamze Cabdi Bare.
Sidoo kale R/Wasaare Xamza ayaa tilmaamay in weerar qaldan ee la sheego ay la mid yihiin hub halis ah oo wax burburin kara, sida uu hadalka u dhigay.
“Wararka qaldan ee been abuurka ah, gaar ahaan marka ay faafinayaan argagixisada Al-Shabaab iyo kuwa la midka ah waxay noqon karaan hub qatar ah oo wax burburiya.” ayuu khudbaddiisa ku yiri R/Wasaare Xamze.
Wxuuu hadalkiisa siiraaciyay “Inta aad noqon laheyd ruuxa ugu horreeya ee been faafiya noqo ruuxa u dambeeya ee runta baahiya,” ayuu mar kale Xamze Cabdi Bare.
Hadalkan kasoo yeeray R/Wasaaraha ayaa imaanaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay dood ka dhalatay dagaalka Al-Shabaab oo u dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwa ka aragti duwan oo hadallo kul kulul isku marinaya waraabhinta.