SO | EN

SO | EN

RW Xamz: Cid ayaa maqan looma joojin doono dhammeystirka Dastuurka

|

Muqdisho (Kaab TV) – R/Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xamze Cabdi Bare ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadiisa ay ku howlantahy dhameystirka Dastuurka oo muddo dheer qabya ahaa.

Wuxuu sidoo kale sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystri doono Dastuurka KMG iyo sidoo kale cidii ka maqan heshiiska dhameystirka Dastuurka aan loo baahneyn in timaado iyo in bulshada la jahwareeriyo.

R/Wasaraae Xazme Cabdi Bare ayaa ayaa hadalkiisa sii raaciyay heblaayo ayaa maqan in aan loo joojin doonin dhameystirka Dastuurka.

“Hadii aad kasoo qeyb gali weysid madalada lagu shiraayo go’aanadana aad qeyb kanoqon weysid dadka haka dhaa dhicinin waxaad rabto yaa tolaayey haku owrkacsan” ayuu yiri R/Wasaare Xamze Cabdi Bare.

Hasayeeshee hadalka R/Wasaaraha ayaa imaanaya xili go’aankii kasoo baxay golaha wadatashiga qaran oo ay siyaasiyiin fara badan oo mug iyo miizaan kuleh siyaasada Soomaaliya, dhanka kale waxaa go’aankan si cad uga hortimid Puntalnd.

Puntalnd iyo dowladda dhexe ee Somaaliya ayaa bilihii udambeeyay xoogeysanayay qilaafka siyaasadeed ee udhaxeeyay iyadoo midba midka kale ku eedeynayo siyaasad xumi.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News