SO | EN

SO | EN

Saameyn noocee ah ayey Al-Shabaab ku yeelan kartaa xilka qaadista Eyman?

|

Muqdisho (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab oo haatan la daala dhaceysa khilaaf dhexdeeda ah ayaa haddan qaaday tallaabo kale oo xiisadda uga sii dareysa warar soo baxaya ayaa sheegaya in kooxda ay xilka qaadis ku sameeysay hoggaamiyaheedii u qaabilsanaa dhanka howlgallada Kenya taas oo saameyn weyn ku yeelan karta weerarada ay kooxda ka fuliso dhanka xuduuda.

Ninkan oo lagu magacaabo Horjooge Eyman ayaa ahaa hoggaamiye sare oo militari ah wuxuuna aqoon durugsan u lahaa deegaanada dhaca xadka labada waddan taas oo xilligaas loogu doortay inuu taliye u noqdo  kooxda loo yaqaano Jeyshu Eyman oo ah garabka Al-Shabaab uga howlgala deegaanada dhaca xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Eyman ayaa sidoo kale qorsheeyay weeraro lagu hoobtay oo horay uga dhacay gudaha dalka Kenya isla-makaana dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac Warar kale oo la helayo ayaa intaasi ku daraya in xilka qaadista horjoogahaan iyo khilaafka kala dhexeeya hoggaanka ka sarreeya ee kooxda uu yimid kadib markii looga shakiyay inuu qorsheynayay inuu ku biiro maleeshiyada Daacish oo iyana ka dagaalanta Soomaaliya shakiga ayaa sii xoogeystay markii uu Al-Shabaab isaga baxay Salmaan Muhaajir oo isna ahaa sarkaal ajaaniib ah isla-markaana ay saaxibo ahaayeen Eyman oo xilka laga tuuray.

Wuxuu ninkan Al-Shabaab ka mid noqday sanadkii 2009-kii isaga oo mar dambe la wareegay hoggaanka kooxda loo yaqaano Jeyshu Eyman oo weerarta Kenya.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News