SO | EN

SO | EN

Sababta Al-Shabaab u beegsatay tuulooyinka beesha Gaaljecel

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa gubay 7 tuulo oo hoos yimaada degmada Yaaqbiri Weyne ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku nool yihiin beeralay iyo xoolo dhaqato.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa habeenkii Jimcaha iyo subaxnimadii Sabtida soo galay tuulooyinka ku yaalla dhul aad u ballaaran oo ay degto beesha Gaaljecel, iyadoo dadkii degganaa ay qaarkood qexeen. Al-Shabaab ayaa kadibna dab qabadsiiyay guryaha ay dadka ku noolaayeen oo u badan aqal Soomaali iyo guryo jiingado ah.

Tuulooyinka ay Al-Shabaab beegsatay waxay kala yihiin:
1. Madax Maroodi
2. Ceel Baraf
3. Guud Weyn
4. Daabaan
6. Saah Weyn
7. Showli Afweyne

Al-Shabaab oo gubay tuulooyin hoos yimaada Yaaqbiri Weyne.

Odayaal ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay beegsaneyso dadka rayidka ee diiday inay u hoggaansamaan ammaradooda, oo ay ka mid tahay inay dadka fareen in laga hor yimaado ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ee ku sugan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Yaaqbiri Weyne iyo Wanla-Weyn.

Illaa hadda ma jirto wax gurmad ah oo gaaray dadka ay dhibaatadan saameynta ku yeelatay oo ahaa shacab xoolo dhaqato iyo beeraley ah. Dowladda Soomaaliya ayaan xitaa ka hadlin tacaddigan ay Al-Shabaab u geysatay dadka shacabka ah, waxaana kaliya deegaanadaasi ku sugan ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda oo iyagu horey isukugu xilqaamay inay deegaanadaasi ka xorreeyaan Al-Shabaab.

Dhanka kale, ilo xog ogaal ah ayaa noo sheegaya in warbaahinta ku hadasha afka Dowladda Soomaaliya laga hor istaagay inay soo hadalqaado gumaadkan loo geystay dadka rayidka ee ku noolaa 7 tuulo ee hoos yimaada Yaaqbiri Weyne.

Labo sano ka hor ayay Al-Shabaab sidan oo kale u beegsadeen tuulooyin hoos yimaada Yaaqbiri Weyne xilligaasoo dad kumanaan qoys gaaraya ay ka soo barakeceen deegaanadooda ayna soo galeen Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News