Garoowe (Kaab TV) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray digreeto uu xilka kaga qaadaayo labo wasiir oo ka tirsanaa xukuumadda maamulka Puntland, sababo la xirira xil gudasho la’aan.
Sidoo kale, Wasiirada xilka laga qaaday waxaa kamid ah Cabdisamad Maxamed Galan oo ahaa wasiirka amniga gudaha Puntland, kaas oo muddo dheer soo ahaa garabka, Saciid Deni.
Wareegtada xilka qaadista ayaa kasoo baxday Xafiisk Saciid Deni ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis.”
“Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay, Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland,” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Dhanka kale waxaa isna xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeeynta Puntland Cabdiweli Mire Xirsi, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Siciid Deni.
Xil kaqaadistaan ayaa timid, kadib markii dhawaan laweeraray, xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan baarlamaanka Puntland kaas oo lagu weeraray bartamaha magaalada Garoowe, taas oo loo sababeynayo xilka qaadista maanta lagu sameeyay wasiir Galan iyo Cabdiweli Mire Xiirsi.
Puntland ayaa haatan kujirta marxaalad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashooyinka qof iyo codka ah ee maamulkaas, gaar ahaan kuwa gobolka Nugaal.