Muqdisho (KAAB TV) Xilli uu socdo diyaar garowga ugu dambeeyay ee Xajka, dowladda Sacuudi Carabiya ayaa adkeysay amniga magaalooyinka barakeysan ee Makkah iyo Mina.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga ayaa sheegtay in la kordhiyay baraha hubinta dadka iyo gaadiidka ee magaalada Makkah, iyadoo la adeegsanayo qalab casri ah, ciidamo boolis ah iyo tignoolajiyad la soconeysa dhaqdhaqaaqa gaadiidka.
Gaar ahaan, waxaa la joojiyay baabuurta aan haysan rukhsadda rasmiga ah ee loogu talagalay in lagu adeego xujeyda, iyadoo lagu wargeliyay darawallada in tallaabo laga qaadi doono haddii lagu qabto iyaga oo si sharci darro ah u dhex maraya goobaha barakeysan.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn iyo kaamirooyin si joogto ah ula socda dhaqdhaqaaqa gudaha iyo hareeraha magaalada Makkah.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Sacuudiga ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn ee dadaalladan uu yahay ilaalinta xurmada goobaha barakeysan iyo xaqiijinta in xujeydu ay helaan jawi aamin ah oo ay ku gutaan cibaadadooda.
Sacuudi Carabiya ayaa sanad walba martigeliya in ka badan laba milyan oo xujey ah oo ka kala yimaada daafaha caalamka, waxaana markasta la horumarinaya nidaamyada lagu xaqiijinayo badqabka xujaajta.