Muqdisho (KAAB TV) -Bisha Shawwaal ayaa laga arkay Sacuudi Carabiya, oo ka dhiggan dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan. Sidaas darteed, Ciidul Fidriga waxaa si rasmi ah looga dabaal-degi doonaa guud ahaan Boqortooyada Axadda, Maarso 30, 2025, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta Xarameynka.
Aragga bisha Shawwaal ayaa astaan u ah dhammaadka Ramadaanka iyo bilowga bisha Shawwaal, waxaana Sacuudiga ay adeegsadaan qalab casri ah oo bisha lagu raadiyo.
Xarameynka ayaa duco u diray Muslimiinta iyagoo yiri: “Allaha naga aqbalo soonkeena (siyām), salaaddeena habeenkii (qiyām), iyo camalkeena wanaagsan (a’māl), hana nagu gaadhsiiyo Ramadaanno badan oo caafimaad qab ah. Aamiin.”
Iyadoo u diyaar garowga maalinta farxadda leh ee ciidda uu bilaabanayo, waxaa la filayaa in malaayiin qof ay isugu soo baxaan masaajidda iyo goobaha salaadda si ay u gutaan salaadda Ciidda. Qoysaska iyo asxaabta ayaa kulmi doona si ay isu salaamaan, cunto wadaagaan, una bixiyaan sadaqo — taasoo ah qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka Ciidda.
Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaraddeeda Awqaafka iyo arrimaha islaamka ayaa haatan ku howlan raadinta bisha Soonfur, waxayna dadka Soomaaliyeed u dirtay farriin ku culus, iyada oo ka codsatay inay la raadiyaan bisha, ayna kadib lasoo xiriiraan.
“Warbaahinta Qaranka waxaa diyaar ku ah masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS iyo qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwaas oo u jooga baadi goobka bilashada bisha Shawaal” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.
Dhinaca kale, maamul goboleedyada ayaa iyaguna wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan raadinta bisha, si ay iyagana usoo gudbiyaan, haddii bisha laga arko gobollada.
Koonfur Galbeed ayaa kamid ah maamullada haatan bilaabay baadi goobka, waxaana wasaaradda awqaafta ee maamulkaasi ay qaaday tallaabo lamid ah dowladda dhexe.
“Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS waxa ay ogeysiineysaa shacabka reer koonfur galbeed in baaritaanka bisha Soonfur(Shawaal) la bilaabi doono galabnimada maanta, Sidaas darteed waxa aanu shacabka ugu baaqaynaa in ay ka qayb qaataan baaritaanka bisha oo aanay ka hor dhicin Go’aanka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda KGS” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Koonfur Galbeed.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Qofkii arka Bisha wuxuu lasoo xiriiri karaa Xarunta Guud ee Wasaaradda, Xafiisyada isku duwayaasha heer gobol ama degmo , ama Saldhigga Booliska ugu dhow si loo xaqiijiyo Dhammaan shacabka , waxa aanu idinka mahadnaqaynaa sida wanaagsan ee aad Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta aad ula shaqeynaysaan”.