Garoowe (Kaab TV)– Hogaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay si adag uga jawaabay dhaliilo dhawaan hoggaankiisa uga yimid dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/Wasaare Xamze kuwaasi oo walaac ka muujiyay ismaan-dhaafka la xiriira doorashooyinka Puntland iyo sida ay wax u wado xukuumadda Saciid Deni ayaa weli ku adkeysanaya hanaankiisa doorasho ee ugu magac daray dimuqraadiyeynta Puntland halka Xasan sheekh iyo Xamze soo jeediyeen in wax walba oo la xiriira doorashooyinka Puntland ay noqdaan kuwa heshiis lagu yahay Saciid Cabdullaahi Deni ayaa farriin si xasaasi ah uga jawaabay hadalada Xasan iyo Xamze.
Saddex fasiraad ayaa ka dhex muuqatay hadalka uu shalay Saciid Deni u jeediyay dadweyne iskugu soo baxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug si ay taageero ugu muujiyaan urur siyaasadeedkiisa KAAH.
1;Saciid Deni wuxuu yidhi waa la socotaan kulankii saddex geesoodka ahaa ee lagu dumiyay magaalada Laascaanood kaas ayaa hadda la rabaa in Puntland lagu dumiyo wey nasoo gaartay farriintaas diyaar ayaa u nahay in aan ka hortagno wuxuu Deni ula jeeda kulankii Xasan Sheekh Maxamuud Ismaaciil Cumar Geelle iyo Muuse Biixi Cabdi ee ka dhacay Jabuuti.
2;Qeybtan waxaa ku jirtay farriin kicin beeleed ah oo u dhigan in saddexdaas hoggaamiye ee isku xisaabta ah ay duulaan beeleed wadaan iyada oo dadka siyaasadda u dhuun daloola ay fahamsan yihiin waxa Xasan Sheekh iyo Saciid Deni isku hayaan haddana Saciid shalay waxa uu si buuxa dadweynaha ugu cadeeyay dagaalka Xasan iyo isaga.
3;Wuxuu ku tilmaamay madaxweyne federaal diid ah sidoo kalena dimuqraadiyad diid ah wuxuu ku eedeeyay inuu hor istaagay doorashooyinkii dadweyne ee Puntland damacsaneyd sanadkii 2013-kii Waxa uu Deni hadalada Muqdisho kayimid siyaasadiisa gaar ahaan aragtidiisa doorashada Wuxuu ku cel-celiyay si dadkaas loogu jawaabo ama loo muujiyo difaac mideysan inay muhiim tahay dhaqan-gelinta barnaamijkiisa dimuqraadiyada Puntland si fudud qoddobkan waxa uu helay olole xooga maan-gal ah Hadalka Saciid Deni wuxuu u muuqday inay si weyn usii kala fogaadeen isaga iyo madaxda dowladda federaalka ah.
Saciid Cabdull Deni oo bilooyin uga harsan yihiin xafiiska ayaa muddo xileedkiisi ku kharash-gareeyay dagaalka dowladda dhexe ee Soomaaliya isaga oo saddex sano iyo dhowr bilood dagaal kala soo horjeeday Farmaajo halka uu haddana hal sano mucaarid ku yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkan ayaa imaanaya ayadoo R/Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xazme cabdi Bare uu qudbad kajeediyay kulan lagu abaal marinayay dad ey wax yeelo ugeysteen Al-Shabaab ayuu ka sheegay in Puntland diidantahy arrimaha deyn cafinta Soomaaliya iyadoo ey ogolaadeen afarta maamul goboleed asagoo uu ka muuqday deg,deg fara badan.