SO | EN

SO | EN

Saddex kun oo shaqaale mushahar ka qaata Gobolka Banaadir wax kayar 600 ayaa shaqeysa – Guddoomiye Mungaab

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, ayaa sheegay in shaqaale dhan 3,000 ruux ay mushahar ka qaataan Maamulka Gobolka Banaadir, hase ahaateen ay shaqeeyaan wax ka yar 600 ruux.

Guddoomiye Mungaab ayaa arrinkan ku tilmaamay “musuqmaasuq weyn” oo halakeeyay Maamulka Gobolka Banaadir.

“Saddex kun shaqaale ayaa mushahar ka qaata Gobolka Banaadir, maanta haddii la fiiriyo 600 ma dhamo inta shaqeysa oo xarunta Dowladda Hoose laga heli karo,” ayuu yiri Guddoomiye Mungaab.

Wuxuu arrinkan kaga dhawaaqay kulan uu la qaatay shaqaalaha Gobolka Banaadir shalay [Sabti 9 Agoosto 2025] isagoo sheegay in dhanka kale lagu wargaliyay in qaar ka mid ah deeqihii caalamka laga heli jiray la jari doono dhowaan.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maamulkiisu uu doonaayo in dhammaan shaqaalaha ay yimaadaan oo ay shaqeeyaan.

Hase ahaatee caqabadda taagan ayaa ah in badi dadka ku qoran liiska shaqaalanimada Gobolka Banaadir aysan ahayn dad rasmi ahaan ugu shaqeeya Dowladda Hoose.

Ilo ka tirsan Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Kaab TV u sheegay in xubno wasiiro, iyo dad madaxda sare ee dowladda saaxiib la ah ay carruurtooda iyo xaasaskooda ku qorteen liiska shaqaalaha mushaharka la siiyo, iyagoo aan shaqeynin.

Shaqaalaha gobolka Banaadir.
Shaqaalaha gobolka Banaadir.

Waxaa jira in ka badan 1,600 ruux oo la sheegay inaysan dalka joogin oo ay ku nool yihiin waddamada qurbaha, hase ahaatee ay mushahar ka helaan Maamulka Gobolka Banaadir.

Kaab TV ayaa ogaaday in xubno baraha bulshada ka taageera madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo qaar ku jira qaraabada Taliyaha Nabadsugidda iyo Ra’isul Wasaaraha, Xamse Cabdi Barre ay ku jiraan dadka mushaharka ka qaata Gobolka Banaadir, iyagoo aan dalka joogin, wax shaqo ahna aan qabanin.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay culeys dhaqaale oo weyn, oo saameyn daran ku leh lacagaha deeqaha ee Dowladda Federaalka ay ka hesho deeq-bixiyaasha caalamka.

Deeq bixiyaasha caalamiga ayaa bixiya in ka badan 70% misaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo inteeda badan lagu bixityo mushahar shaqaale.

Deeqaha caalamka oo qaarkood la weyn doono

Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Xuseen Mungaab ayaa sheegay in hadda qaar ka mid ah deeqihii caalamka ee ay heli jirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya la goosan doono sannadkan dhammaadkiisa.

“Waxaad ogsoon tihiin inuu jiro walwal ah in sannadaha soosocda, ama sannadkaan aakhirkiisa – waxaan ka wadasheekeysannay wasiirka caafimaadka – inaan la isku hubin deeq bixiyaasha inay taageeradooda sii wadi doonaan dhanka caafimaadka. Sidaa daraadeed inaan hadda ka sii gaashaamano oo aan hawlaheena qabsano waa muhiim,” ayuu yiri Guddoomiye Mungaab.

Soomaaliya waxaa adag in dadka musuqa sameeya la baaro, ama la maxkamadeeyo gaar ahaan shakhsiyaadka dowladda xilalka ka haya iyo qaraabadooda ama saaxiibadooda.

Sida ay sheegtay Hay’adda Transparency International, Soomaaliya ayaa ah waddanka ugu musuqa badan adduunka oo dhan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News