BAYDHABO (Kaab TV) – Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo bandhigay eedeymo cusub oo muujinaya xiriirka ka dhexeeya xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda argagixisada ee Al-Shabaab.
Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo ah Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ka dib baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in Wasiirka Dekedaha Dowladda Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaano Jaamac, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Xasan Xuseen Maxamed oo ku magac dheer ‘Xasan Eelaay’ iyo Xildhibaano Fowsiyo Maxamed Sheekh ay xiriir toos ah la sameeyeen kooxda Al-Shabaab, iyagoo kala hadlay in Al-Shabaab ay ogolaadaan in maleeshiyaad iyo hub laga keenay Muqdisho ay soo dhexmaraan deegaanada ay ka taliso kooxda Al-Shabaab.
“Maleeshiyaadka ku sugan Buurhakaba oo aan baaritaan ku wadnay sidii aan ku ogeyn lahayn hubka u yimaada iyo qaabka uu ku yimaado iyo waxa ay yihiin ayaan ku ogaanay in saddexa xubnood ee dowladda federaalka ka mid ah ay xiriir la yeesheen kooxda Al-Shabaab,” ayuu yiri wasiirka amniga ee maamulka Koonfur Galbeed.
“Xubnaha kala ah: Wasiir Xasan Eelay, wasiir Jaamac iyo xildhibaan Fowsiyo ayaa toos ula hadlay Al-Shabaab kala hadlay sidii hubka iyo maleeshiyaad loo dhexmarsiin lahaa,” ayuu sii raaciyay wasiirka hadalkiisa.
Wuxuu ku eedeeyay in maleeshiyaadka ku sugan Buurhakaba ay qeyb ka mid ah yihiin qeyb ka mid ah ay yihiin Al-Shabaab oo dharka laga bedelay.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in xubin sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab uu habeen ku hoyday degmada Buurhakaba oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, balse haadan gacanta ugu jirta kooxo mucaarad ku ah maamulka Koonfur Galbeed.
Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeysay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in isaga oo dhan ka sheeganaya inuu la dagaalamayo Al-Shabaab, haddana dhanka kale isla xubnaha dowladdiisa ay hub iyo qalab u gudbinayaan kooxda argagixisada ee Al-Shabaab, taasoo uu wasiirka ku sheegay mid aan is qaban karin.
Weli Dowladda Federaalka Soomaaliya kama jawaabin eedeymahaan aadka u culus.
Sidoo kale xubnaha ay Koonfur Galbeed ku eedeeysay inay xiriirka la sameeyeen Al-Shabaab ayaan illaa hadda jawaab ka bixin eedeyntan.
Eedeyntan ayaa imaaneysa iyadoo su’aalo ay ka jiraan qaabka ay maleeshiyaadka dhowaan qabsaday degmada Buurhakaba halkaasi ku gaareen iyadoo waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Buurhakaba ay ka taliyaan kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab.
Dhanka kale, afhayeen u hadlay maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta sheegay in maleeshiyaad u qaab eg Al-Shabaab la siiyay hub iyo dharkii ciidamada Soomaaliya ee ay ku deeqeen dowladaha dunida, kywaas oo uu sheegay inay duulaan ku soo qaadeen deegaano ka mid ah maamulka Koonfur Galbeed.
“Dowladda Koonfur Galbeed, waxay sidaa darteed si cad xiriirka ugu jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi oo Baydhabo ka hadlay maanta.

