MUQDISHO (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga dhaa dhacsiin la’yahay dagaal ka dhan madaxda maamulada oo ay ugu horeyso maamulka Galmudug, kuwaas oo fikir ahaan ey qabaan qaar kamid ah kooxdiisa.
Kadib doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lafilaayay in uu bixin doono ficil ah raga gobolada xukuma oo uu ugu hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmded Abdi Kaariye Qoor Qoor.
Dhabaha dulucda sheekadan, waxaa la ogsoon yahay in hoggaanka maamulada qaar oo ay kamid tahay maamulka Galmudug waxaa si xoog ah kudhisay dowladdii hore madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, balse ma aysan dhicin midaas.
1- Waxaa jira xubno kamid ah kooxda madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu damac xooggan uu kaga jiro hoggaanka maamulka Galmudug waxaa laxaqiijiyay in ey dhowr jeer ey isku dayeen in uu madaxweyne Xasan Sheekh uu dagaal lagalo maamulka Galmudug, balse arragti ahaan dadku inta badan waxey qabaan in madaxweynaha lamarsiin la’yahay.
2- Shirkii dhawaan kusoo idlaaday magaalada caasimada ee Muqdisho ee udhexeeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha mucaaradka ayaa markale daaha kaqaadaya in uu madaxweynaha rabo maamuladda qaar uu jajabiyo maamuladaas oo ay ugu horeyso maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, inkastoo qaar kamid xubnaha mucaaradka ey dusiyeen ogolaanshiyo ah in madaxweynaha ogolaaday diid madooda muddo kororsiga maamul goboleedyada.
3- Madaxweynaha ayaa dhawaan lafilayaa in uu u wareego dhanka maamulka Galmudug, halkaas oo uu fadhi kasameysan doono waqti aan lashaacinin, sida ila xog ogaal ah ey inoo xaqiijiyeen balse safarka madaxweynaha ayaa latuhun sanyahay ee ku aadan maamulka Galmudug, in madaxweynuhu qaatay warmurtiyeedyadii kasoo baxay shirkii udhexeeyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweynaha kuwaas oo ay kamid ahaayeen in madaxweynuhu lagu cadaadiyay in uu kalaabto muddo kororsiga maamul goboleedyada, Xasan Sheekh waxa uu rabaa in uu maamulka galmudug uu kuqanciyo aragtida ah in aan xiligaan eysan macquul eheen in madaxda maamul goboleedyada loosameeyo muddo kororsi, wallow ey midaasi dhacday oo ay hadda badi maamul goboleedyada aamin sanyihiin in ey heystaan muddo kororsi sharci ah.
Marka loo eego dhinaca maamulka Galmudug waxaa dhici karta in aan lagu qancin Karin aragtidaas.
Xasan Sheekh maku faa’idi doona aragtida fikrada siyaasiyiinta mucaaradka mise waaku qasaari doonaa waa su’aalo waqtiga loo dhaafi doono jawaabtooda.