SO | EN

SO | EN

Saddex sababood oo warbaahinta Muqdisho lagu aamusiyay

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Isniintii shalay Muqdisho waxaa ka dhacay qarax xoogan oo ay ku dhinteen askar badan oo kamid ah ciidamada dowladda oo ku sugnaa xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ah xero lagu tababaro ciidamada.

Qaraxa, oo ay mas’uuliyaddiisu sheegatay Al-Shabaab, waxaa fuliyay qof soo xirtay jaakadda qaraxyada kaasoo dhexda ka galay askarta oo xilligaasi ku jirtay saf, waxayna ahayd xilliga quraacada.  Ninka ismiidaamiyay wuxuu beegsaday askarta oo badankooda ahaa kuwa kayimid magaalada Marka ee caasimadda gobalka Shabeellaha hoose.

Khaasaraha ka dhashay weerarkan ismiidaaminta ahaa ayaa lagu sheegay in ay dhimashado kor-u-dhaafayso 40 kamid ah askarta guutada 14 Oktoobar, halka dhaawucuna yahay tiro intaasi ka badan, sida aan ka soo xigtay xubno amni oo xog-ogaal ah. Inta badan askarta lala beegsaday qaraxan waxay ka soojeedaan hal beel, waana hal ciidan. Waa Guutada 14 Oktoobar oo ah ciidan la aas aasay kadib Qaraxii Weynaa ee 14ka Oktoobar 2017 ka dhacay Isgoyska Soobe.

Ciidankan wuxuu fadhigoodu ahaa magaalada Marka, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in dhowaan lagu amray inay Muqdisho yimaadaan si loo siiyo tababar dheeraad ah si ay ugu biiraan duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Warbaahinta oo ahayd halka ay dadweynuhu ka heli jireen xogta dhacdooyinka muhiimka ah ayaase badankeed ka gaabsatay tebinta dhacdadan. Waxayna taasi keentay in baraha bulshada ay qaataan doorkaasi. Intaasi kuma ekaan ee waxaa durba bilawday su’aalo muhiim ah oo dadweynuhu iska weydiinayaan waxa ku dhacay saxafiyiinta iyo warbaahintii looga bartay soo gudbinta wararka la xiriira amniga.

Maxay tahay sababta?

Haddaba, maxay tahay sababta ay warbaahinta gudaha uga gaabsatay soo tebinta wararka weerarkan Saameynta lahaa  oo shaki xoogan laga muujiyay, islamarkaana ka dhacay gudaha xero militari oo ku taalla goob aad loo ilaaliyo oo ku dhow xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xarumo kale oo muhiim ah sida isbitaalka ciidamad.

Warbixintan ayaan kuugu sheegi doonan saddex sababood oo suuragal ka dhigaya in warbaahinta ka aamusto dhacdadan:

1- Sababta koowaad: Xarumaha warbaahinta iyo saxafiyoontada-ba waxay wajahayaan cabsi weyn oo ay ka qabaan aargudasho iyo beegsi uga yimaada Dowladda iyo hay’adaha ammaanka oo aa jeclayn marna in ay ay warbaahinta maxalliga ah baahiso wararka muujinaya dayaca amniga iyo weerarada Al-Shabaab ka fuliso Muqdisho. Cabsidan ma ahan mid hadda bilaabatay, ee waxay ka dhalatay arrimo soo jiitamayey.

Tusaale, bilawgiiba dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amaro culus ku soo rogtay warbaahinta, waxaana ka mid ah go’aankii keligiis uu soo saaray Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta 8dii Oktoobar 2022 ee ahaa in warbaahinta aysan sheegin Karin wararka ku saabsan dagaalka u dhexeeya Al-Shabaab iyo dowladda.  oo kala ah ,iyadoo u aragta mid u hiilinaya kooxda Alshabab oo dagaal kula jirta Dowladda Soomaaliya.

Go’aankaasi waxaa xilligaasi walaac xooga ka muujiyay warbaahinta iyo hay’adaha u dooda xuquuqda saxaafadda oo ku tilmaamay  go’aanka mid caburin ah kana hor imaanaya Dastuurka Dalka iyo shuruucda caalamiga ah. Laakin Wasaaradda Warfaafinta, NISA iyo Villa Somalia oo aad uga carooday walaaca ay muujiyeen ururada warbaahinta ayaa beegsaday xafiiska Ururka Saxafiyiinta ee SJS 10-kii Oktoobar, iyadoo maalin ka dibna la afduubay Xoghayaha SJS Abdalle Mumin. Waxaana ku xigtay dagaal maxkamadeed, hanjabaad iyo weeraro socday illaa dhammaadkii bishii Maarso 2023.

In kabadan lix bilood uu Weriye Cabdalle Muumin ku jiray xabsi iyo isjiidjiid ,waxay saxaafaddu ka qaaday qalqal iyo welwel hor leh, natiida ka dhalatayna waxay noqoto in ay saxaafaddu ka aamusto wararka ka careysiin karo dowladda ,kuwa dhaliisha xambaarsan ,iyagoo ka baqaya in ay dowladda ka aargudato.

2. Sababta Labaad: Waxaa xaqiiq ah in qaar badan oo warbaahin, saxafiyiin iyo dad saxafiyiin sheegtaba ay laaluush ka helaan dowladda iyo NISA taasoo looga bedelanayo in warbaahinta iyo kuwa baraha bulshada wax ku qora aysan tebinin ama faafin macluumaadka wararka ku saabsan weerarada iyo falalka amni darida ama muujinaya gal-daloolada dowladda. Arrintan waa mid ay wada aaminsanyihiin siyaasiinta ama dowladda haku jiraan ama mucaaradka ha ahaadaan. Cawaaqibka ugu daran ee ay arrintan leedahay, waa inay durba wiiqday qiyamkii iyo kalsoonida lagu qabi kari lahaa warbaahinta gudaha iyo saxafiyoontadaba.

3. Sababta Saddexaad: Waxaa jira oo aan marna la dhayalsan karin in si kutala gal ah xogta loo qariyo, helidda macluumaadkana ay ku noqotay saxafiyiinta nadiifka ah mid dhib badan. Marka aysan jirin xog ku filan, goobtana aadan tagi karin, waxaa aad u adkaaneysa in saxafigu helo macluumaad dhameystiran oo uu bulshada la wadaagi karo. Ku darsoo, qaar badan oo warbaahinta gudaha waxay wajahayaan xirfad yaraan keentay inaysan abuuran karin ilo wareedyo baahsan oo ay xogaha muhiimka ka heli karaan marka ay dhacdo cakirnaan dhanka xog helidda sidan oo kale.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News