SO | EN

SO | EN

Safaaradda Somalia ee Sudan kuleheed oo maanta la bililiqeystay

|

Khartuum (Kaab TV)– Kooxo Maleeshiyaad hubeysan ah ayaa maanta bililiqeystay gaadiidkii safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya ee dalkaas.

Maxamed Sheekh Isxaaq oo si weyn u cambaareeyay ayaa waxa uu sheegay in gaadiidka safaaradda ee la bililiqeystay ay yaaleen guriga uu ka deganaa magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

“Waxaan cambaareynayaa falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bililiqeystay guriga aan ka deganaa magaalada Khartoum ee dalka Suudaan,” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan.

“Waxaa la qaateyna gawaaridii safaaradda Soomaaliyeed, falkaas wuxuushnimada ah waxaa sameeyey maaleeshiyaad hubeysan oo aan ixtiraameynin qawaaniinta caalamka iyo xurmadaha ay leeyihiin xarumaha diblumasiyiinta.“ayuu yiri Safiirka.

Marar badan waxaa la dhacay dhismaha safaaradda, ayada loo geystay bililiqo xoogan, waxayna qeyb ka tahay xarumo dowladeed oo tan iyo markii uu billowday dagaalka Suudaan la bililiqeystay, kuwaasi oo ay kamid tahay xarun weyn oo ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Khartoum ee dalkaasi.

Xaaladda dalka Suudaan ayaa ah mid aad uxun, kadib markii ay si lama filaan ah uga bilaawdeen dagaallo qaraar oo u dhexeeyo ciidanka milatariga iyo kuwa gaarka ee RSF.

Hasayeeshee, dagaalka labada dhinac ayaa meesha ka saaray qorshihii caalamku taageeray ee loogu guuri lahaa dimuqraadiyad rayid ah afar sano kadib markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir oo ahaa mudaaharaadyo waaweyn iyo laba sano ka dib afgambi militari.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News