NAIROBI (KAAB TV) – Shirkad dhismo oo Kenyan ah ayaa ku guuleysatay dacwad ka dhan ah Safaaradda Soomaaliya sababo la xiriira deyn din u dhismaha safaaradda oo ay shirkadu ku yeelatay Safaaradda taasi oo gaaraysa KSh 25.6 milyan (qiyaastii $174,080 USD) oo aan la bixin tan iyo 2016.
Shirkadda Kingsley Construction Limited ayaa maxkamad ka dacweysay Safaaradda, waxaana dhowr jeer loo yeeray Safaaradda balse ma aysan kasoo jawaabin u yeerista iyadoo Safaaraddu ku andacootay xasaanadeeda diblomaasiyadeed.
Balse amar xayiraad ah ayaa lagu soo rogay safaaradda xisaabteeda bangi, taasoo in muddo ah xayirneyd, waxayna Dowladda Soomaaliya oo hadda kasoo jawaabtay dacwadda ay rabtay in xisaabaadkeeda loo fasaxo.
Khamiistii ayaa Maxkamadda Sare ee Kenya soo saartay go’aan, iyadoo jawaab ka timid Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ay dhageysatay Maxkamadda.
Waxay Maxkamaddu diiday rafcaankii Soomaaliya ee ahaa in laga qaado xayiraadda lagu soo rogay akoonnada safaaradda ee bangiga Premier Bank Limited.
Garsoore Maxkamadda Sare Alfred Mabeya ayaa taageeray go’aanka lagu xayirayo akoonnada, illaa inta laga bixinaayo deynta lagu leeyahay safaaradda oo shirkadda Kingsley Construction Limited ay ku leedahay.
Shirkadda ayaa dacwadeeda ka gudbisay safaaradda, iyadoo ku eedeysay inay jebisay heshiiskii dib u dhiska ee ay kula jirtay Safaaradda.
Shirkadda Kingsley Construction Limited ayaa rabta in haddii lacagteeda la siin waayo, ay xaraashto Safaaradda Soomaaliya si ay lacagteeda uga soo ceshato.
Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi wax faallo ah kama bixin arrintan, halka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho aysan weli ka jawaabin codsiyada ku saabsan faallo.