Abu Dhabi (KAAB TV) – Warbaahinta caalamka intooda badan, ayaa si weyn u hadal haya arrin uu ku kacay safiirka maamulka Israa’iil u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta oo fadeexad ku noqotay, taas oo sababi karta in safiirka laga eryo dalka Imaaraadka Carabta.
Sidoo kale, Danjire Yossi Shelley ayaa lagu soo waramayaa in uu fadeexad iyo ceeb weyn dhaxda kaga jiro, kaddib markii lagu eedeeyay inuu si aan habboonayn u dhaqmay xilli uu ku sugnaa goob baar ku taalla magaalada Abu Dhabi.
Dhanka kale, Waxaa lagu eedeeyay safiirka Israa’iil u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta, in uu haween tabaasho khasab ah kula kacay xilli uu joogay baarka kuyaalla Abuu Dhabi ,sidoo kale ku xad-gudbay habraacyada ammaanka, taas oo ka caraysiiyay maamulka Imaaraadka Carabta.
Ugudambeyntii, Telefishin laga leeyahay Israa’iil, ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Binjamin Netanyahu uu diiday dalabka dowladda Imaaraadka ee ku aadan in safiirkan laga beddelo dalkaasi, waxa uuna Netanyahu sheegay wax sidaas ah in uusan diyaar u aheyn in uu u beddelo danjirihiisa.

