SO | EN

SO | EN

Safiirkii hore ee Mareykanka oo sheegay waxyaalaha ey isku fahmi waayeen dowladdii hore

|

Muqdisho (Kaab TV) – Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya, Lerry Andre ayaa shaaca ka qaaday sababihii keenay in dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ey isku fahmiwaayeen muddo kororsiga, iyo waxa kajira edeymaha Mareykanka ee ku aadan in uu fashiliyay qorshihii dowladdii hore oo ahaa in ay dalka sii xukunto.

Safiirka oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa shaaca kaqaaday in uu madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay dhinac marka Dastuurka, taas oo uu kuqeexay qad cagaaran.

“Cadaadiska madaxweyne Farmaajo heystay wuxuu ahaa dhinaca Dastuurka wuxuu aad uga dib dhacay muddo xileedkiisa taasina Soomaaliya waxey utahay qad cagaaran, sababtoo ah Soomaaliya waa dal tobonaan sano kusoo jiray dagaalo Sokeeye” ayuu yiri Safiirka Marekeykanka Lerry Andre.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa inta badan wuxuu sheegi jiray in uu qabanaayo doorasho qof iyo cod ah, sidoo kale Baarlamaankii 10-aad ee isla xiligaas ayaa isku dayay in muddo xileedka lagu daro labo sano oo dheeri ah balse waxaa ka dhashay dagaal, oo udhexeeyay dowladdi xiligaas jirtay iyo xubnaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeday muddo kordhinta.

Sidoo kale Safiirka ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ay is barteen sanadkii 2020 markaas oo uu ahaa safiirka Mareykanka u fadhiya Jabuuti, xiligaas Farmaajo ayaa Jabuuti uga qeyb galaayay wadahadaladii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Soomaaliland shirkaas oo ay marti galineysay Jabuuti.

“Maalintaas waxaan madaxweyne Farmaajo usheegay in ay qatartahay in labaal maro muddo xileedka kuxusan Dastuurka dalka Soomaaliya waxaan arkaynay in R/Wasaare Rooble uu sameynayay wax kasta oo uu karay, isagoo adeegsanaya awoodiisa, si uu u hormariyo hanaanka doorashada, inkasto aan la hadlaynay madaxweynayaasha dawlad goboleedyada, hadana waxaa lagu guuleystay inay doorasho dhacdo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray danjire Larry André.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News